Frank Lampard oo is barbardhig ku sameeyay Salah iyo Ronaldo ka hor kulanka caawa

(Kiev) 26 Maajo 2018 Halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa isbarbardhig ku sameeyay Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo ka hor kulanka caawa.

Frank Lampard ayaa sheegay in labada laacib ay yihiin labo shaqsiyad oo kala duwan, wuxuuna cadeeyay Ronaldo inuu yahay xiddig faan jecel oo xayaysiinta ku fiican.

Laakiin Salah ayuu sheegay inuu yahay wiil dagan oo edeb leh isla markaana u qalma heerka uu maanta ku la tartamayo Ronaldo.

“Waxaan u arkaa labadoodu inay yihiin shaqsiyaad aad u kala duwan, dhamaan waala ogyahay in Ronaldo uu jecelyahay faanka, is muujinta iyo xayaysiinta ganacsiga” ayuu yiri Frank Lampard.

“Dhanka kale, Salah waa wiil aad u dagan oo aan isla waynayn, wax badan iskama badalin shaqsiyadiisa markii aan kawada tirsanayn Chelsea, wuxuu ii sheegay in Blues ay qayb wayn ka qaadatay hormarkiisa”.

“Inkasta oo uu fursad yar ka helay Chelsea 2013, laakiin haatan waxay u muuqataa inuu bislaaday shaqsiyad ahaan iyo laacib ahaanba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close