DEG DEG: Real Madrid oo ku dhawaaqay shaxdeeda caawa ( Bale iyo Isco kee kusoo bilaawaday )

( Kiev) 26 Maajo 2018. Gareth Bale oo aan kusoo bilaaban safka Real Madrid waxaana laga doorbiday Karim Benzema inuu weerarka ku wehliyo Cristiano Ronaldo

Hababa Zidane ayaa safkii koowaad kusoo xushay xidigahan kala ah: Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Casemiro, Modric, Kroos, Isco; Ronaldo, Benzema.

Arintaan ayaa qalbi jab ku ah laacibka reer Wales oo la hadal haayay inuu kusoo bilaaban doono safka Real Madrid.

Maal mihii dambe macalin Real wuxuu sheegay inuu madax xanuun ka qaaday qaab uu u xulan lahaa weerarkiisa balse ugu dambeyn hogaamiyaha ayaa keydka dhigay Balse.

Laacibka kulamadii dambe wuxuu ahaa mid aad u sareyay waxqabadkiisa waana finalkii labaad oo keyka la dhigayo Bale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close