DEG DEG: Kala carar ka jira magaalada Kiev iyo waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay goobo badan ka hor Final-ka Champions League

(Kiev) 26 Maajo 2018 Kala carar ayaa haatan ka jira caasimada dalka Ukraine ee Kiev taas oo caawa martigalinaysa kulanka Final-ka Champions League.

Warar haatan si dag dag ah uga soo baxaya magaalada Kiev ayaa sheegaya in booliisku uu xiray ilaa 5-goob oo laga raaco tareenada.

Booliiska ayaa lagu wargaliyay in 5-taas goobood la soo dhigay wax yaabaha qarxa, waxaana gabi ahaanba haatan la xiray goobahaas.

Cabsi wayn ayaa soo wajahday qabsoomida kulanka caawa ee u dhexeeya Real Madrid iyo Liverpool ee Final-ka Champions League.

Wararkeena dambe kala soco wixii ku soo kordha xaalada magaalada Kiev.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close