Cristiano Ronaldo oo hadal layaab leh sheegay & Jamaahiirta Real Madrid oo arintan walaac xoogan ka Muujiyay

(Real Madrid) 26 Maajo 2018. Xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shaki weyn galiyay mustaqbalkiisa Los Blancos, kadib markii uu la hadlay saxaafada marka ay Liverpool kaga guuleysteen kulankii finalka Champions League ee kusoo idlaaday 3-1.

Kadib marka uu kulanka soo idlaaday ayuu Ronaldo la hadlay saxaafada wuxuuna yiri:  “Aad ayay u fiicneyd inaan ku sii nagaado Madrid, maalmaha soo socda waxaan jawaab cad siin doonaa jamaahiirta, kuwaasoo xili kasta I garab taagnaa”.

“Waxaan sameynay taariikh, hada waa inaan ku raaxeysanaa”.

“Ku raaxeysta waqtigan la joogo, mustaqbalka ciyaartoyda ma ahan wax muhiim ah waqtigan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close