Chelsea oo heshiis la gaartay Maurizio Sarri (Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa?)

(London) 26 Maajo 2018 Chelsea ayaa heshiis la gaartay tababaraha reer talyaani ee Maurizio Sarri kaas oo laga cayriyay kooxda Napoli.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in milkiilaha kooxda Chelsea uu shalay kulan socday 7-saacadood la qaatay tababare Maurizio Sarri si uu badal ugu noqdo Antonio Conte.

Image result for Sarri

Waxaana la isku afgartay in Maurizio Sarri uu Chelsea u saxiixo heshiis 2-sano ah isaga oo sanadkii mushaar u healaya lacag dhan 7 milyan oo Ginni.

Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Roman Abramovich uu maanta la kulmayo Antonio Conte si uu ugu sheego inuu boorsooyinkiisa ka qaato Stamford Bridge.

Football Italia ayaa dhankiisa sheegaya in heshiiska Maurizio Sarri ee Chelsea lagu dhawaaqayo barri oo axad ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close