Sevilla oo ka hadashay wararka Clement Lenglet la xiriirinaya Barcelona

(Sevilla) 25 Maajo 2018 Kooxda Sevilla ayaa ka hadashay wararka daafacooda reer France la xiriirinaya kooxda Barcelona.

Waxaa la ogsoon yahay in Barcelona ay heshiis hoose la gaartay Clement Lenglet si uu ugu biiro suuqa xaggaagan.

Laakiin madaxwaynaha Sevilla ayaa sheegay in Barcelona aysan ilaa haatan ka helin dalab ku aadan Clement Lenglet.

“Si joogto ah ayaan u la hadalnaa Clement Lenglet, waxaan doonaynaa inuu sanado badan nala sii joogo, mana jirto dalab nooga yimid Barcelona” ayuu yiri madaxwaynaha Sevilla.

“Waxaan la hadalnay aabihiis iyo wakiilkiisa, waxayna noo xaqiijiyeen inaysan jirin wax rasmi ah oo ay ka heleen Barcelona, waxayna noo sheegeen in laacibku uu ku faraxsan yahay halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close