Samuel Umtiti oo ka hadlay wadahadalada heshiis kordhinta ee u dhexeeya isaga iyo kooxdiisa

(Barcelona) 25 Maajo 2018 Daafaca Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa ka hadlay wadahadalada heshiis kordhinta ee u dhexeeya isaga iyo kooxdiisa.

Samuel Umtiti ayaa sheegay in ilaa haatan aan wax hormar ah laga samayn wadahadalada heshiis kordhintiisa, wuxuuna intaa ku daray inuusan ka xumayn haddii aan heshiis cusub laga saxiixin ka hor koobka adduunka.

Waraysiga uu maanta bixiyay Samuel Umtiti wuxuu u muuqday mid u eg inuu ka caraysan yahay maamulka Barcelona xili lala xiriirinayo Manchester United.

“Ma jiro wax ka cusub wadahadalada heshiis kordhintayda ee Barcelona, fiiri taleefankeyga, ma jiro hormar la sameeyay” ayuu yiri Samuel Umtiti.

“Kama xumaanayo haddii aanaan heshiis gaarin ka hor koobka adduunka xili dhawr bil ay ka soo wareegtay markii wadahadaladu ay bilowdeen”.

“Waxaa muhiim ii ah aniga in arinkaas la xaliyo ka hor koobka adduunka, dhankeyga wax walba waa sidii la rabay”.

Waxaa xusid mudan in Samuel Umtiti uu ku la jiro Barcelona heshiis gaaraya ilaa 2021 kaas oo lagu burburin karo 60 milyan oo euro oo ah lacag intabadan kooxuhu ay sifudud ku bixin karaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close