Robert Lewandowski oo ku adkeesanaya inuu isaga dhaqaaqo kooxda Bayern Munich

(Bayern) 25 Maajo 2018. Sida laga soo xigtay wargeysyada Jarmalka, Weeraryahanka xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa wuxuu xiiseenayaa inuu nka dhaqaaqo kooxda Bayern Munich inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee “Bild” Robert Lewandowski ayaa doonaya inuu ka tago xagaaga kooxda Bayern, lakiin haatan ma jirto wax xiiso uu wali ka helay kooxda Real Madrid.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay in maamulka kooxda reer Germany ay ku cadaadinayaan Lewandowski inuu diirada saaro heshiiskiisa kooxda ee gaarsiisan ilaa iyo 2021.

Bayern Munich ayaa la fahansan yahay inaysan dooneynin iibinta laacibkan reer Poland kadib marka uu furmo suuqa soo aadan ee xagaaga.

Madaxweynaha kooxda Bayern Munich Uli Hoeneß ayaa wuxuu dhawaan sheegay: “Waxaan u muujin doonaa caalamka kubada cagta, in kooxda ay wali xoogan tahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close