Qodob layaab leh oo ku jira heshiiskii Mauricio Pochettino uu u saxiixay Tottenham (War u wanaagsan Real iyo PSG)

(London) 25 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa si rasmi ah heshiiska ugu kordhiyay kooxdiisa xili lala xiriirinayay inuu bixi doono.

Mauricio Pochettino ayaa ku jiray liiska tababareyaasha diirada u saaran kooxda Chelsea oo raadinaysa badalka Antonio Conte.

Marca ayaa daaha ka qaaday qodob la yaab leh oo ku jira heshiikii Mauricio Pochettino uu shalay u saxiixay kooxdiisa Tottenham.

Heshiiska waxaa ku jira qodob dhigaya in Mauricio Pochettino uu si xor ah uga tagi karo Tottenham haddii mustaqbalka uu dalab ka helo Real Madrid iyo PSG.

Mauricio Pochettino ayaa ku yiri madaxwaynaha Tottenham: “Waan sii joogayaa laakiin haddii aan mustaqbalka dalab ka helo Real Madrid ama PSG waa inaan xor u ahaadaa inaan bixi karo”.

46 jirkaan reer Argentina ayaa si wayn u doonaya inuu mar uun tababare u noqdo kooxda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close