Muxuu ka yiri Nabil Fekir Markii si Toos ah Loo Weydiiyay inuu Ku Biirayo Liverpool ?

( England ) 25 Maajo 2018. Liverpool ayaa ka dhigatay Nabil Fekir bartilmaameedkooda ugu weyn xagaaga, iyagoo qorsheynaya inay lasoo saxiixdan ninkan reer France kadib finaalka Champions League oo ay Real Madrid wajihi doonaan asbuucan.

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Lyon ayaa ku dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Anfield taaso dib u cusbooneysiineysa dalabka £60 milyan oo gini, laakiin waa mid shaki la’aan inuu xiddigaan yahay badalka Philippe Coutinho.

Cayaariyahanka Brazil wuxuu ka dhaqaaqay kooxda Reds isagoo ku biiray Barcelona bishii January lacag dhan £142 milyan oo gini, inkastooo kooxdu ay la saxiixatay Naby Keita iyo  Virgil van Dijk oo marka la is barbar dhigo qarashkoodu yahay £125million, Hadana Liverpool waa mid weli la’ badalka saxdaa ee Coutinho.

Fekir ayaa ku raaxeystay xili cayaareed cajiib ah xagaagan, wuxuuna 24 jiraakan u horseeday kooxdiisa ku dhameysashada kaalinta seddaxaad Frenca Ligue 1 iyo inay garaan wareega 16 ee koobka Europe League.

Liverpool ayaa dooneysa inay heshiiskan dhameysso ka hor koobka adduunka hadii ay suuragal tahay laakiin waqtiga xadidan waa mid adag in la dhameyo heshiikan. Iyadoo Fekir uu wajahayo xerada tababarka xulka France.

Sabtida finaalka Champions League ee ka dhici doona Kiev ayaa laga yabaa inuu qiimaha noqdo £100million, iyadoo Liverpool ay diyaarineyso inay bixiso lacagaha heshiiska si ay u hesho Fekir.

Ninka reer France ayaa si toos ah loo weydiiyay macquul ahaan shaha inuu u dhaqaaqayo Liverpool wuxuuna RTL ugu jawabay khamiistii: “Maxaa diiday?”

Wuxuu intaa kusii daray: ” Dabadeed waxaa jiri karta wadahadal lala galo madaxweynaha, Iyada oo la ixtiraamayo, si go’aan looga dhigo. Nolosha, waxba looma diidi karo. ”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close