“Lionel Messi ayaa ah laacib dhamaystiran marka lala barbardhigo Cristiano Ronaldo”!

(Berlin) 25 Maajo 2018 Tababaraha xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Low ayaa ra’yigiisa ka dhiibtay dooda Messi iyo Ronaldo ee waashay bahda ciyaaraha adduunka.

Joachim Low ayaa si fudud isku barbardhigay labadaan laacib, wuxuuna si cad u sheegay in Lionel Messi uu yahay laacib dhamaystiran.

Image result for Joachim Low Messi Ronaldo

Wuxuu ku sheegay Ronaldo inuu yahay gool dhaliye cajiib ah, laakiin wuxuu sheegay inuusan gaari karin Messi maadaama uu yahay laacib gadaal iska marin kara 8 ilaa 9-laacib.

Joachim Low ayaa la waydiiyay Ronaldo iyo Messi laacibka uu dooranayo? wuxuuna ku jawaabay:

“Lionel Messi ayaan ka doorbidayaa Ronaldo, Cristiano waa xirfadle cajiib ah, waa gool dhaliye aan la rumaysan karin muddo sanado ah, laakiin Messi waa laacib dhamaystiran”.

“Orodka iyo dhaqsiyaha Messi ayaa ka dhigaysa in ciyaartoyda kale uu ka dheereeyo, waa laacib awooda inuu gadaal iska mariyo 8 ilaa 9-laacib”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close