Juventus oo jawaab taan ka bixinaysa magacaabistii Napoli ee Carlo Ancelotti

(Torino) 25 Maajo 2018 Juventus ayaa dareentay in Napoli ay weerar halis ah ku hayso isla markaana ay doonayso inay ku guulaysato SerieA xiliciyaareedka cusub.

Kooxda tababare Allegri ayaa dareentay wal wal markii Ancelotti loo magacaabay tababaraha Napoli isla markaana loo balan qaaday in loo gacan galiyo lacag uu ku soo adeegto.

Image result for Ancelotti Napoli

Corierre dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay go’aamisay inay suuqa galiso lacag dhan 230 milyan oo euro xaggaagan.

Juventus ayaa doonaysa inay sifiican isku adkayso si Napoli aysan uga dul qaadin horyaalka talyaaniga xiliciyaareedka kale.

Tababare Allegri ayaa beegsanaya Alvaro Morata, Mateo Kovacic, Matteo Darmian, Emre Can iyo ciyaartoy badan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close