El Clásico: Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya saxiixa David Alaba

(Spain) 25 Maajo 2018. Warbaahinta Spain ayaa waxay soo warinayaan in Real Madrid ay dooneyso inay la soo saxiixato xidiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Laakiin David Alaba ayaa wuxuu sidoo kale u muuqdaa midey xiiseeneyso kooxda Barcelona, waxayna u diyaarsatay heshiiskan inay kusoo afjarto aduun dhan 50 milyan ginni.

Sida laga soo xigtay saxaafada dalka Spain kooxda heysata horyaalka Spain ayaa diyaar u ah inay bixiso 50 milyan oo euros si ay u hesho adeega laacibka xulka qaranka Austria.

Saraakiisha kooxda reer Catalonia ayaa waxay qorsheenayaan in David Alaba ay qeybta difaaca kula mideeyaan Gerard Pique, waxayna u arkaan inuu noqon doono saxiix wa badan kusoo kordhin kaga kooxda.

Laakiin Aabaha dhalay David Alaba ayaa wuxuu albaabada u furay isbuucii lasoo dhaafay kooxda Real Madrid, kadib markii ay warar hore xaqiijiyeen in Los Blancos ay xiiseenayso wiilkiisa, isagoo intaas ku daray in wax walbo ay kala cadaan doonaan suuqa xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close