Andres Iniesta oo ka warbixiyay sababta uu u taageeri jiray Real Madrid marka uu yaraa

(Spain) 25 Maajo 2018. Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Spain, Andres Iniesta, ayaa wuxuu ka warbixiyay sababta uu u taageri jiray Real Madrid marka uu yaraa, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona.

Iniesta ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Mundo Deportivo” wuxuu ku sheegay in qeyb ka mid ah noloshiisa marka uu yaraa uu taageero u ahaa kooxda Real Madrid.

Andres Iniesta ayaa sheegay inuusan taageera u ahayn carruurnimadiisa kooxda Barcelona, sababa la xiriira in ay Blugarana guul ka gaartay kooxdiisii hore ee Albacete.

“Waxaan u ciyaari jiray kooxda Albacete, waxaan u nimid Barcelona hal maalin si aan ula ciyaarno, Barca waxay awooday kulankaas inay dhaliso 7 gool aad ayaan u carooday, waxaana sheegay in aysan macquul ahayn kooxdeyda in sidaas ay ku dhacdo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close