Sababta dhabta ah ee Alvaro Morata uu u joogay shalay magaalada Milan oo la ogaaday

(Milan) 24 Maajo 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata iyo wakiilkiisa ayaa shalay lagu arkay magaalada Milan ee dalka talyaaniga.

Xiddiga kooxda Blues ayaa safar lama filaan ah ku aadan magaalada Milan, waxaana wehliyay wakiilkiisa iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Alvaro Morata uu u tagay Milan si uu wadahadal dhab ah u la galo kooxda Juventus oo aad u doonaysa.

Juventus ayaa diyaar u ah inay dib u la wareegto Morata, waxayna qorshaynaysaa inay amaah ku qaadato dhawr sano si lamid ah heshiiskii Juan Cuadrado, iyaga oo kadib la wada wareegaya laacibka.

Kooxda reer talyaani sida muuqata ma doonayso inay bixiso qiimaha Chelsea ay ku iibinayso laacibkeeda ee ah 60 milyan oo Ginni oo ah qiimihii ay uga soo iibsatay Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close