Rivaldo oo u sheegay Barcelona in Mohamed Salah ay ka dul qaado Real Madrid

(Barcelona) 24 Maajo 2018 Halyeeygii reer Brazil ee Rivaldo ayaa talo muhiim ah siiyay kooxda tababare Valverde oo ku aadan suuqa kala iibsiga.

Rivaldo ayaa u tilmaamay Barcelona in saxiixa Mohamed Salah ay ka dul qaado Real Madrid oo haatan u muuqata inay aad ugu dhawdahay saxiixiisa.

Image result for Salah Rivaldo

46 jirka reer Brazil ayaa la waydiiyay xiddiga ay tahay Barcelona inay ka soo qaadato Premier League? wuxuuna ku jawaabay:

“Mohamed Salah, waa laacib wayn isla markaana wuxuu awoodaa inuu isbadal ku sameeyo habsami u socodka kulamada kooxdiisa”.

Rivaldo ayaa la waydiiyay in Salah lala barbardhigi karo Messi iyo Ronaldo? wuxuuna yiri:

“Ilaa haatan ma gaarin heerka Messi iyo Ronaldo, laakiin aad ayuu ugu dhawyahay”.

“Mohamed Salah wuxuu u baahan yahay inuu sanado badan sii wado qaab ciyaareedkiisa wanaagsan koob walba oo uu ciyaarayo, waxaan rajaynayaa inuu guulaysan doono”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close