RASMI: Mauricio Pochettino oo heshiis cusub u saxiixay Tottenham Hotspur

(Tottenham) 24 Maajo 2018. Kooxda Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah ugu shaacisay website-keeda in macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino uu u saxiixay heshiis cusub ee 5 sano kale kaasoo dhacaya ilaa iyo sanada 2023.

Qandaraaskii hore wuxuu ahaa seddex san, laakiin wuxuu go’aansaday in uu heshiiskiisa ku kor dhiyo mudo 2 sano kale, waxaana sidoo kale heshiiska ku wehliya caawiyaashiisa Miguel D’Agostino iyo Toni Jiménez.

War rasmi ah uu daabacay website-ka rasmiga ah ee kooxda Tottenham Hotspur ayuu ku sheegay Mauricio Pochettino: “Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub oo waqti dheer ah saxiixo, madaama aan wajaheyno mid ka mid ah waqtiyadii ugu muhimsan ee taariikhda kooxda”.

Sidoo kale madaxweynaha kooxda Tottenham Hotspur Daniel Levy ayaa wuxuu dhankiisu sheegay: “Waxaan ku jirnay safar aan caadi aheyn, maalmaha soo socda waxay u muuqdaan kuwo aad uga xiiso badan sidii hore, marka ay kooxda lugaha la gasho marxalada labaad ee xigta ee taariikhi ah,

“Pochettino wuxuu abuuray awooda kooxdan iyo qaab ciyaareedka cajiibka ah, taasoo aad ay u jecleysteen jamaahiirta kooxda, waan ogahay inay soo dhaweyn doonaan, balanqaadka ka yimid Mauricio”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close