Maurizio Sarri oo daaha ka qaaday qaab xun oo ay u la dhaqantay Napoli

(Naples) 24 Maajo 2018 Tababarihii laga diray kooxda Napoli ee Maurizio Sarri ayaa aad uga carooday kooxdiisa sida uu baahiyay Football Italia.

Maurizio Sarri ayaa u sheegay asxaabtiisa u dhaw inuusan u qalmin qaabkii looga diray kooxda isla markaana uusan la dhicin.

Warka la yaabka leh ayaana ah in ka diridiisa kooxda uu ka ogaaday warbaahinta isaga oo yiri: “Uma qalmin in kooxda la iiga diro qaab kaas”.

Madaxwaynaha Napoli ayaa go’aan saday inuu kooxdiisa ka diro Maurizio Sarri inkasta oo kooxdu ay u tartantay horyaalka xiliciyaareedkii dhamaaday.

Waxaana xalay lagu badalay tababarihii ka tagay Bayern Munich ee Carlo Ancelotti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close