Mario Mandzukic oo go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Juventus

(Torino) 24 Maajo 2018 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Mario Mandzukic ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalka kooxdiisa ee suuqa xaggaagan.

32 jirkaan reer Croatia ayaa lala xiriiriyay inuu qayb ka yahay ciyaartoyda ka tagaya kooxda Juventus ee suuqa xaggaagan.

Laakiin Mario Mandzukic ayaa diiday inuu ka tago kooxdiisa kadib kulan uu la qaatay isbuucaan tababare Allegri sida uu baahiyay Football Italia.

Inkasta oo uu dalabyo kala duwan ka helayo horyaalada ingiriiska iyo Jarmalka ayuu doortay inuu ka sii mid ahaado safka kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close