Manchester City oo qarka u saaran inay la soo wareegto Riyad Mahrez… (Goormee la soo gabagabaynaa heshiiska?)

(Manchester) 24 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey lacagaha sare ee ay kooxda Manchester City doonayso inay kula soo wareegto ciyaaryahan Riyad Mahrez oo ay qarka u saaran tahay inay la soo saxiixato.

Jariiradda Metro ayaa warinaysa in kooxda Manchester City ay aad ugu dhow-dahay inay Leicester City kala soo saxiixato xiddigeedaa Riyad Mahrez.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Sky Blues ayaa la warinayaa inay xiddigan kala soo baxayso adduun dhan 60 milyan oo gini oo u dhiganta 69 milyan oo euro ama 80 milyan oo dollar.

Heshiiska ay kooxda Muwaadiniinta lagu naanayso kula soo wareegeyso xiddiga reer Algeria ayaa la filayaa in la soo gabagabeyn doono labada todobaad ee soo socda.

Haddii kooxda Manchester City ay la soo wareegto Mahrez, taasi waxa ay soo afjareysaa doonistii kooxda Premier League xafidanaysa ee Citizens ku doonaysay inay kula soo saxiixato xiddiga naadiga Chelsea ee Eden Hazard.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close