SAWIRO: Pogba, Mahrez iyo Slimani oo booqasho sadaqa ah ku bixiyay xarun lagu baxnaaniyo caruurta ee dalka Saudi Arabia

(Premier league) 23 Maajo 2018. Xiddigo dhowr  oo caalami ah ayaa ka faa’iideysanaya joogitaankooda dalka Saudi Arabia si ay u gutaan Cumrada waxayna booqasho sadaqo ah ku tageen xarunta baxnaaninta carruurta.

Khadka dhexe kooxda Man United Paul Pogba, Islam Slimani iyo Riyad Mahrez ayaa lagu dhex arkay xarunta “Fares Foundation” ee baxnaaninta caruurta, waxayna ku qaateen waqti cajiib ah si ay u daawadaan caruurta halkaas ku sugneed, iyagoona halkaas kula soo galay sawiro xasuus ah.

xarunta “Fares Foundation” ayaa waxay kusoo daabacday  website-keeda rasmiga ah iyo barteeda Twitter-ka qoraal mahad naq ah: “Waad ku mahadsan tihiin xidig kasta ee halkan nagu soo booqday, waxaad farxad galiseen quluubta caruurtayada, waxaad mudan tihiin mahad celin iyo mudnaan, xidigo ay ka mid yihiin Pogba, Mahrez iyo Slimani”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close