Rajadii Koobka Adduunka ee Goolhayaha Manchester united oo Shaki Weyn soo Galay

( Argentina ) 23 Maajo 2018. Goolhaya koowaad ee qaranka Argentina iyo kooxda Manchester United Sergio Romero ayaa ka maqnaan doona cayaaraha koobka adduunka kadib dhaawac jilibkaa oo soo gaaray.

Romero,oo 31 jira , ayaa u saftay 94 kulan dalkiisa isagoo cayaaray finalkii 2014 ay guuldarada kala kulmeen qaranka Germany.

Goolhayah Chelsea Willy Caballero, oo labo cayaar saftay, iyo kan River Plate  Franco Armani, oo aan wax kulana cayaariyin ayaa Argentina u matali doona dhanka goolka.

Kooxda Tigres ninka goolka u ilaaliya ee  Nahuel Guzman ayaa lala xariirinayaa in lagu soo daro liiska xulka.

Argentina ayaa kulan keeda koowaad ee cayaarha kooxda adduunka la cayaari doonta Iceland 16 June ka hor inta aysan wajihin kulamada Croatia iyo Nigeria oo ay ka wada mid yihiin  Group-ka D.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close