Mohamed Salah oo ka hadlay kulankiisii ugu adkaa Champion League ee xili ciyaareedkan

(Liverpool) 23 Maajo 2018. Mohamed Salah ayaa la hadlay saxaafada kahor kulanka finalka Champion league wuxuuna sheegay in Kulankii Man City ee lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League uu ahaa  kii ugu adkaa uu xilli ciyaareedkan ka ciyaaray Champions League

Kulankii AS Roma ee lugtii 2-aad ayaa ahaa mid aad u adag laakiin Mohamed Salah ayuusan u ahayn mid kaga adag kulankii Man City ee ka dhacay garoonka Skay Blues ee Etihad Stadium.

Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 44 gool oo tartamada oo dhan wuxuuna ku guuleystay abaal marino dhowr ah ay ugu muhiimsan tahay xidigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Xidigan ayaa markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed ciyaari doona Finalka Champions League xilli ciyaareedkan maadama uuna horay u gaarin halkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close