Kahor kulanka Kiev… isbarbar dhig cajiib ah ee laga sameeyay Mohamed Salah booqashooyinkiisii hore ee dalka Ukraine

(Liverpool) 23 Maajo 2018. Xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wuxuu isku diyaarinayaa kulanka Real Madrid ee finalka Champions League ay sabtida soo aadan kuwada ciyaari doonaan magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine.

Hadaba kahor kulankan Kiev waxaa isbarbar dhig lagu sameeyay kulamadii uu horey Mohamed Salah ugu soo ciyaaray dalka Ukraine.

Mohamed Salah ayaa markii ugu horeesay booqday dalka Ukraine bishii February 21, 2013, xiligaas oo ay kooxdiisii hore Basel la ciyaartay dhigeeda dalka Ukraine ee FC Dnipro, kaasoo ka tirsanaa Europa league, wuxuuna kusoo idlaaday barbaro 1-1.

Booqashadiisii labaa ayaa ahayd April 16, 2015, kadib markii ay kula soo ciyaareen wareega afar dhamaadka Europa league kooxda FC Dynamo Kyiv, xiligaas uu ku sugnaa Fiorentina, wuxuuna kulankan sidoo kale kusoo idlaaday 1-1-

Isbarbar dhiga cajiibka ah ee booqashooyinka Mohamed Salah ee dalka Ukraine ayaa waxay dhamaantood ahaayeen tartanka Europa league, waxayna kulamadii uu booqday dhamaantood kusoo wada idlaadeen barbaro 1-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close