Hubaal waa Macalinka Cusub ee Arsenal Kadib Fariintaan ?

( England) 23 Maajo 2018. Wepsite-ka rasmiga ee Unai Emery ayay kasoo muuqtay fariintan: “Waan ku fanaa inaan kamid noqday qoyska Arsenal.”

Macalinkii hore ee kooxda Paris St-Germain ayaa qarka u saran in lasoo bandhigo asbuucan isagoo noqonaya badalka Arsene Wenger.

Kooxda London weli ma xaqiijin in Emery uu yahay macalinkooda cusub.

Laakiin talaadadii  sawirka Emery oo ay wehliso fariin ayaa lasoo dhigay bogiisa rasmiga – ka hor intaan laga saarin.

Weli lama oga hadii sawirkaa uu u muuqad qalad ama ay ahaayeen qolada jabsataa acounada ee loo yaqaan “hackers”.

Unai Emery screengrab

Website-ka www.unai-emery.com – ayaa ku xiran 46 jikaan bogiisa rasmiga ee Twitter – kasoo xili dambe usoo bandhigay fariin qalad ah dadkii booqanayay.

Emery ayaa ka tagay kooxda PSG bishaan kadib labo sano uu ku qaatay isagoo kula guuleystay horyaalka iyo afar koob oo gudaha France laga cayaaro.

Hore waxuu usoo leyliyay naadiga Sevilla taasoo kula guuleystay koobka Europa League sanado xariir ah intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close