Emre Can oo ku Dhaw inuu Caafimaadka u Maro Juventus…HADABA WAA GOORMA

( Italy ) 23 Maajo 2018. Emre Can ayaa caafimaadka u mari doona Juventus asbuuca dambe si uu u dhameystiro ka dhaqaaqista kooxda Liverpool.

Laacibkan heerka caalami ee dalka Germany ayaa u muuqada mid ku guuleystay taam ahaan shihiisa walow aysan cadeyn inuu cayaaro finaalka Champions League ay Real Madrid wajahayaan inkastoo uu noqon doono kulankiisa u dambeya.

Sida uu ku waramayo wargeyska talyaaniga ee Tuttosport, Can ayaa qarka u saaran inuu caafimaadka u maro kooxda hanatay horaaylka Serie A maalin kadib finaalka Kiev, si uu kaga mid noqdo kooxda Massimiliano Allegri.

Waxa kalo la warinayaa inuu qalinka ugu duugi doono heshiis shan sanaa kooxda lagu naaneyso Old Lady wuxuuna ku biirayaa bisha June.

Emre Can is set to undergo a medical at Juventus just days after the Champions League final

24 jirkaan ayaa wadahadala qandaraas kordhinta Liverpool ay hakad galeen tan iyo bilaawgii  sanadkan 2018, laakiin Klopp ayaa ku adkeysanayay inuu xiddigan baaqi kusii ahaado kooxda.

Yeelkeede. Juventus ayaa heshiiska xorta ku heli doonta laacibkan madaama uu dhici doona heshiiskiisa Liverpool bisha Dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close