Douglas Costa oo gaaray xerada tababarka xulka qaranka Brazil isagoo qaba dhaawac, miyay soo idlaatay rajadiisa koobka aduunka?

(Brazil) 23 Maajo 2018. Sida daboolka ay ka qaaday saxaafada xidiga kooxda Juventus ee Douglas Costa ayaa maanta gaaray xerada tababarka xulka qaranka Brazil isagoo qaba dhaawac.

Xidiga ka ciyaara garabka bixidix ee weerarka ayuu dhaawac kasoo gaaray dhanka bowdada, laakiin halis kuma ahan ka qeyb galkiisa koobka adoonka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Rodrigo Lasmar oo ka hadlay xaalada dhaawac ee Douglas Costa ayaa wuxuu yiri: “Wuu yimid laakiin wuxuu ka sheeganayaa xanuun dhanka bowdada ah”.

“Waxaan sameenay baaritaano, nasiib wanaag waxaan helnay dhaawac yar, sidaas darteed si gooni ah ayuu u qaadan doonaa tababarka, wuxuu seegi doonaa kulanka koowaad, laakiin ma fileyno inuu halis ugu jiro inuu ka maqnaado Koobka Aduunka”.

Si kastaba 27 jirkan reer Brazil ayaa wuxuu xili ciyaadkan kaga soo muuqday kooxda reer talyaani ee Juventus 47 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuu dhaliyay 6 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 14 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close