Cristiano Ronaldo oo ka Hadlay Imaanshaha Neymar ee Real Madrid

( Spain ) 23 Maajo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa ku qoslay su’aal ah sida uu u dareensan yahay fikrada ah in Neymar uu ku biirayo Real Madrid wuxuuna sheegay in mar walba cayaariyahno lala xariiriyo kooxda.

Mustaqbalka Neymar ee kooxda Paris Saint-Germain waa mid si joogtaa loo hadal haayo iyadoo ay jiraan warar xan ah oo xiddiga la xariirinaya kooxda Bernabeu.

” Madrid mar walba ayaa si joogtaa loo hadal hayaa saxiixyada,” ayuu yiri wareysi uu siiyay  Tv-ga laacibka Portugul.

“Waxaan halkan joogaa sideed sano mar walbaana waxaa laga hadlaa 50 cayaariyahan oo imaaneysa intaa kadib ma jiraan cid timaada.

“Bishii September cayaartoy badan ayaa la filayay inay yimaadaan balse ugu dambeyn kuwa gaaray Fiinaalaha had iyo jeer waa isku mid.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close