5-ta Xiddig uu doonayo inuu la soo Saxiixdo tababaraha Cusub ee Arsenal oo la Ogaaday

(London) 23 Maajo 2018. Unai emery ayaa ku fariisan doona kursigii uu Arsene Wenger ku fadhiyay 22-sano kaddib markii si Rasmi ah dhawaan loogu dhiibay xilka Arsenal.

Macallinka reer Spain ayaa muddadii uu tababaraha ahaa la soo shaqeeyay xiddigo waa wayn dhowr kooxood uu soo leyliyay.

Haddaba waxaa iminka la sheegayaa inuu doonayo inuu Emirates keeno 5 ka mid ah xiddigihii ka soo hoos shaqeeyay.

Xiddigaha uu doonayo Unai Emery ayaa isugu jira Goolhaye, Daafac, Dhex iyo waliba Weerar kuwaa oo kale ah:

FIIRO GAAR AH:Jeremy Mathieu iminka kama tirsana Valencia, ee waxaa laga hadlayaa berigii uu macallinka u ahaa Unai Emery oo ay wada joogeen kooxda reer Spain.

1. Steven Nzonzi – Sevilla

2. Julian Draxler – Paris Saint Germain

3. Jeremy Mathieu, Valencia

4. Adrien Rabiot – Paris Saint Germain

5. Kevin Trapp, Paris Saint Germain

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close