“Ronaldo maku badalaneysaa Maxamed Saalax??.”.- Zidane oo Su’aashan la waydiiyay

(Spain) 22 Maajo 2018. Tababare Zidane oo la waydiiyay haddii uu Cristiano Ronaldo ku badelanayo Maxamed Saalax xilli ay labada laacib ku balansan yihiin Final ka Champions League.

Balse jawaabta uu bixiyay ma ahan mid ay ku farxayaan taageerayaasha Reds.

Macallinka reer France ayaa sheegay inuu Ronaldo ku badasho iska dhaafee inuusan ku badalaneyn xitaa mid ka mid ah xiddigihiisa kooxda.

Saalax iyo Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan ka dhaliyay min 44 gool.

Natiijada sawirka Ronaldo, Salah and Zidane

“Maya, kuma badelanayo Ronaldo ama mid kale oo ka tirsan ciyaartoydeeda,” Zidane ayaa sidaa ku jawaabay mar la waydiyay haddii uu xiddga reer Purtugal dhaafsanayo wiilka reer Masar.

“Marka uusan Ronaldo gool dhalineyn, weli wuu ogyahay inuu saddex ama afar jeer oo xiriir ah dhalin doono. Wuu ogyahay inuu goolka haleeli doono wuuna xamili karaa cadaadiska.

“Ciyaartoyda qaar ma xamili karaan cadaadiska. Laakiin isaga waa taa caksigeeda markasta oo aad Cadaadis saarto markasta aad dhaleeceyso waa markasta uu si fiican u ciyaaro.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close