Robert Pirès oo kaga digay Antoine Griezmann inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona

(Atletico Madrid) 22 Maajo 2018. Xidigii hore kooxda Arsenal Robert Pirès ayaa kaga digay laacibka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Antoine Griezmann, halista kaga imaan karta hadii uu go’aansado ku biirista Barcelona xagaaga soo aadan.

Waxaa isaga soo tarayay xiliyadii lasoo dhaafay wararka ku aadan in Atletico Madrid ee Antoine Griezmann uu ku biirayo kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Blugarana.

Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Robert Pirès, kadib markii uu sheegay: “Haddii Griezmann uu diyaar u yahay inuu halis galo islamarkaana uu wajaho tartan cusub, wuxuu aadi karaa Barcelona, laakiin ma ahan isla kooxda uu ka dhaqaaqay, mana ahan labada kooxood isku heer”

“Go’aanka waa mid aad u adag, hadii uu sii joogo Atletico Madrid, wuxuu noqon doonaa xidiga koowaad, laakiin hadii uu u dhaqaaqo Barcelona, wuxuun noqon doonaa xidiga saddexaad ama afaraad, sababtoo ah waxaa halkaas ku sugan Messi, Luis Suárez, Ousmane Dembélé, wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu galo loolan aaad u adag, si uu u helo booskiisa joogtada ah”.

“Go’aanka labaad ayaa ah in Griezmann ayaa muhim weyn u ah mustaqbalkiisa ciyaareed, dabcan waxay ku xiran tahay Koobka Adduunka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close