“Ma jiro xidig sameyn kara waxa uu Eden Hazard sameenayo”…. Mid ka mdi ah halyeeyada kooxda Chelsea

(Chelsea) 22 Maajo 2018. Tony Cascarino oo weerarka kaga soo ciyaaray Chelsea ayaa sheegay in Blues ay ku adkaan doonto sida ay Eden Hazard kaga ilaashan lahayd kooxda Real Madrid.

“Waxa laga hadlayo waa ciyaaryahan sameyn kara isbadal, islamarkaana kugu hogaamin kara ku guuleysiga koobabka Premier League iyo FA Cup”.

“Wuxuu qeyb ka noqon karaa qorshaha Real Madrid ay ku dooneyso in is badal ay kaga sameyso xili ciyaareedka soo aadan safka kooxdeeda”.

“waa wax aad u adag in Chelsea ay ka ceshato Hazard kooxda Real Madrid, laakiin waxaan rajeenayaa inaysan xiligan sidaas dhici doonin”,

“150 milyan oo ginni waa lacago qaali ah ee lagu iibin karo, lakiin ma jiraan xidigo sameyn kara waxa uu sameyn karo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close