Luis Suarez oo fariin taan cajiibka ah ku sagootiyay Andres Iniesta

(Barcelona) 22 Maajo 2018 Weerar yahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa fariin cajiib ah ku sagootiyay Andres Iniesta kaas oo boorsooyinkiisa ka qaatay Camp Nou.

Iniesta ayaa axadii u ciyaaray Barcelona kulankiisii ugu danbeeyay kadib 22-sano oo uu difaacayay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Image result for Iniesta Suarez

Luis Suarez oo xusay wixii uu u qabtay Andres Iniesta ayaa ku soo qoray Instagram-kiisa:

“Iniesta waa saaxiibkeey, tan iyo markii 4-sano ka hor aan imid kooxda waxaa na dhex maray xiriir wanaagsan, laakiin haatan waxaan dhihi karaa Iniesta waa shaqsi cajiib ah”.

“Bilowgii hore wuxuu i siiyay caawin, waqti walba waa uu i garab taagnaa, waxaan idiin sheegayaa in Iniesta kooxdaan u difaacay si sharaf iyo jacayl leh”.

“Wanaag ayaan kuu rajaynayaa waayahaaga, waan hubaa inaad guulaysan doonto”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close