Lionel Messi oo hal fursad muhiim ah u ogolaanaya Monamed Salah

(Barcelona) 22 Maajo 2018. Wargeysyada dalka England ayaa waxay tilmaameen in Mucjisada kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu soo dhaweeyay in Mohamed Salah uu yimaado Blugarana.

Wargeyska “Express” ayaa sheegay in Messi uu ku wargaliyay maamulka kooxda inuu soo dhaweenayo imaatinka Mohamed Salah ee garoonka Cump Nou.

Saraakiisha kooxda kooxda Blugarana ayaa la fahansan yahay in inta badan ay kala hadlaan Lionel Messi saxiixyada cusub ay kooxda u baahan tahay inay sameyso.

Barcelona ayaa lasoo warinayaa inay qorsheeneyso in ay u dhaqaaqdo soo xero galinta Monamed Salah, kadib markii shaki la galiyay imaatinka Antoine Griezmann ee garoonka Cump Nou, isla markaana uu go’aansaday inuu sii joogo Atletico Madrid xilli ciyaareedka soo aadan.

Blugarana aayaa diyaarineysa in heshiiska Mohamed Salah ay ku bixiso Ousmane Dembélé iyo lacago si ay ugu qanciso maamulka kooxda in ay fasaxaan mucjisada xulka qaranka Masar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close