Kabtanka Xulka England oo La Magacaabay….KUMAA NOQDAY ???

( England ) 22 Maajo 2018. Harry Kane ayaa loo magacaabay kabtanka hogaamin doona qaranka England dhacdada koobka adduunka ee bisha dambe ka bilaabanaya dalka Russia.

Xiddiga Tottenham Kane ayaa calaamada kabtan waxa u xushay macalinka xulka Gareth Southgate kadib wax qabdkiisa uu qaranka ugu soo saaray cayaaraha ka dhici doona Russia sanadkan 2018.

Markii lagu dhawaaqay 23 cayaariyahank ee koobka adduunka matali doonta todobaadkii hore, Southgate ayaa go’aamin cida hogaamin doonta xagaagan qaranka England.

Waxa uu doonaayay inay kuwada kulmaan cayaartoyda xerada tabarbaka ee George’s Park isadoo la hadlay xiddigaha ka hor inta uusan dooqan hogaamiyaha qaranka hor kici doona koobka adduunka – laakiin shalay ayuu si dag dag ugu magacaabay Kane kabtanka xulka.

Southgate ayaa yiri: “Waa xirfadle sare waa muhiin inuu noqdo hogaamiye waana inaan garab istaagnaa maalin kasta.

Laacibka Liverpool jorden Henderson ayay u badneed inuu noqodo kabtanka qaran kadib markii uu soo hogaamiyay kulamo badan oo Group-ka ahaa xiligas uu dhaawac ku maqnaan harry Kane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close