Iker Casillas iyo Manuel Neuer oo qaab ka duwan sidii hore u macsalaameeyay Gianluigi Buffon

(Italy) 22 Maajo 2018. Goolhaayaha reer Spain iyo kooxda Porto Iker Casillas iyo dhigiisa Bayern Munich Manuel Neuer ayaa qaab aad u qurux badan u macsalaameeyay Gianluigi Buffon oo macsalaameeyay kooxda Juventus dhamaadka xili ciyaareedkan

Gianluigi Buffon ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Juventus xili ciyaareedkan, kadib markii uu kula guuleestay horyaalkii 7-aad ee xiriir ah, isagoo 17 sano soo xirnaa maaliyada Bianconeri.

Bogga rasmiga ah kooxdda Juventus ee Twitter-ka ayaa lagu soo daabacay sawirka ay xidigaha Iker Casillas iyo Manuel Neuer ay ku macsalaameenayaan halyayga reer Talyaani ee Buffon.

Warar xan ah ayaa sheegaya in Gianluigi Buffon ay suuragal tahay in uu heshiis qalinka ugu duugo kooxda heysata horyaalka dalka faransiiska ee Paris St Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close