Chelsea oo 100 milyan ku soo iibsaneysa laacib 30-jir ah si ay Hazard ugu qanciso inuu kooxda sii joogo

(London) 22 Maajo 2018. Chelsea ayaa dooneysa inay jabiso rikoodhkeeda dhanka suuqa kala iibsiga si ay u qanciso xiddigeeda Eden Hazard.

Blues ayaa dooneysa inay adduun dhan 100 milyan ku qasirto dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Waxaa qarka ka lulanaya mustaqbalka Eden Hazard iyo goolhaye Thibaut Courtois, Blues ayaana dooneysa inay xiddigaheeda ku qanciso inay xilli ciyaareedka soo socda tartami karaan iyagoo kooxda keeneysa xiddigo waa wayn.

Telegraph ee ka soo baxda Ingiriiska ayaa warinaya in kooxda reer London ay aaminsan tahay in Lewandowski uu doonayo inuu ka soo tago Bayern Munich waxayna doonayaan inay 29 jirka ku khasiraan adduun dhan 100 milyan.

Chelsea ready to spend £100m on striker to convince Eden Hazard to stay

Waa Lacago xoog badan in lagu iibsado xiddig dhawaan 30 jirsan doona balse Blues ayaa aaminsan in kubbad badan ay ku harsan tahay lugaha Lewandowski.

Imaanshiyaha dhaliyaha reer Polish ayaa wadada u xaari doona in la iibiyo Alvaro Morata si kor loogu qaado lacagaha lagu keenayo Lewandowski.

Juventus ayaa xiiseynaysa inay dib ula saxiixato dhaliyaheedii hore ee reer Spain.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close