Arsenal oo go’aamisay saxiixa ugu horeeya ay u sameyn doonto Unai Emery marka uu la wareego shaqada Gunners

(Arsenal) 22 Maajo 2018. Wargeysyada Ingariiska ayaa daabacay maanta oo Talaado ah in Arsenal ay xiiseeneyso saxiixa khadka dhexe kooxda Lyon Nabil Fekir, kdib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Waxaa lagu soo waramayaa in Arsenal ay dooneyso inay lasoo wareegto saxiixa Nabil Fekir, kahor inta uusan bilaawan koobka aduunka ee 2018 ka furmi doono dalka Russia 14ka bisha June ee soo socota.

Macluumaadkan ayaa tilmaamaya in Arsenal ay diyaar la tahay bixinta aduun dhan £ 45 milyan si ay u hesho saxiixa xidiga Lyon kooxda Nabil Fekir xili ciyaareedka soo aadan.

Nabil Fekir ayaa wuxuu soo jiitay xili ciyaareedkan dhamaan indhaha caalamka kadib marka uu kooxdiisa Lyon ka sameeyay qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Didier Deschamps ayaa ugu yeeray xidigan kooxda Lyon inuu qeyb ka noqdo xidigaha kaga qeyb galaya kulka france koobka aduunka 2018, kadib markii si xoogan ula dhacay qaab ciyaareedkiisa kooxda Lyon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close