Xulka Spain ee Koobka Adduunka oo si Qish ah loo Helay… Morata iyo Costa Midkee la xushay ??

 ( Spain ) 21 Maajo 2018. Alvaro Morata ayaa laga reebay xulka Spain ee koobka adduunka kadib markii si qisha ah loo helay magacyada  23 cayaartoyda ee qaranka mataleysa axadii.

Kooxda rasmiga ayaa la shaacin doonaan galabnimadaan laakiin raadiyaha Spain  ee  Cope ayaa sheegaya inay heleen nuqulo kamid ah cayaartoyda mataleysa xulka.

Hadii uu sax noqdo nuqulkan, weeraryahanka Chelsea Morata ayaa kamid noqon doonin qorsha xulka ee koobka adduunka.

Weeraryanka ayaa ku qaatay xili cayaareed adag kooxda Stamford Bridge iyadoo lala xariirinayo inuu dib ugu laabanayo kooxda Juventus.

Wuxuu ka doorbiday macalinka Spain Julen Lopetegui dhanka weerarka xiddigaha kala ah Diego Costa, Rodrigo  iyo Iago Aspas.

Chelsea daafaceeda bidix  Marcos Alonso ayaa kala mid noqday xulka cayaariyahanada David de Gea iyo David Silva.

Cesc Fabregas  iyo  Hector Bellerin ayaa sido kale laga tagay halka Javi Martinez isana laga reebay xulka.

Habada waa kuwaan xulka Spain ee koobka adduunka matalaya oo si qish ah loo helay

Goolka : De Gea, Kepa and Reina.

Daafaca: Carvajal, Odriozola, Piqué, Ramos, Nacho, Azpilicueta, Jordi Alba, Marcos Alonso.

Qadka Dhexe: Busquets, Saúl, Iniesta, Thiago, Koke and Isco.

Weerarka: Silva, Asensio, Lucas Vázquez, Diego Costa, Rodrigo and Aspas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close