Deg-Deg: Tababare Roberto Martinez oo ku dhawaaqay liiska xidigaha xulka qaranka Belgium ee koobka aduunka 2018

(Belgium) 21 Maajo 2018. Tababare xulka qaranka Belgium Roberto Martinez aya ku  dhawaaqay liiska xidiagha umatali doona koobka aduunka xili uu shaxdiisa ka reebay xidiga kooxda Roma Radja Nainggolan .

Waxaa xulka kamid noqday da’ayarkii hore ee kooxda Manchester united Adnan Januzaj kaas oo hada u ciyaara kooxda Real Socidad.

Waxaa weerarka xulka qaranka Belgium hogaaminaya captanka xulkaasi ee Eden Hazard kaas oo ah kan ugu wanaagsan ay heestaan xulka uu hogaamiyo Martinez .

Waxaa dhanka weerarka qeeb ka ah xidigaha Romelu Lukaku, Christian Benteke iyo Michy Batshuayi.

xulka qaranka Belgium ayaana kamid ah xulalka loo sadalinayo sanadkan ku guuleysiga koobka aduunka kaas oo ka bilaaban doona bisha soo aadan dalka Russia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close