Alvaro Morata oo ka hadlay ka reebidii laga reebay xulkiisa Spain ee koobka adduunka

(London) 21 Maajo 2018 Alvaro Morata ayaa laga dhex waayay liiska ciyaartoyda Spain ee loo soo xulay ka qayb qaadashada koobka adduunka oo bisha dambe ka bilaabanaya Ruushka.

Morata ayaa xiliciyaareed niyad jab leh ku qaatay kooxda Chelsea oo 75 milyan oo Ginni uu ugu biiray xaggaagii hore markaas oo uu ka dhaqaaqay Real Madrid.

25 jirkaan ma uusan soo muujin niyad jab balse wuxuu cod dheer ku sheegay in laga bilaabo haatan uu si xoog leh u taageerayo xulkiisa Spain koobka adduunka.

Wuxuuna ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Nasiib wacan koobka adduunka, laga bilaabo haatan, waan taageerayaa waana garab siinayaa xulka sidii la iiga bartay ilaa dhamaadka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close