Paris Saint – Germain oo saxaafada u soo bandhigtay macalinkeeda cusub ee Thomas Tuchel

(PSG) 20 Maajo 2018. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa bogeeda rasmiga ah ku shaacisay soo bandhigida mcalinka cusub ee kooxdeeda Thomas Tuchel oo maanta ee Axad ah u soo bandhigtay saxaafada.

PSG ayaa shir jaraa’id ku qabaneysa howlkeeda shirarka ee garoonka Parc des Princes, gaar ahaan uu kasoo qeyb gali doono madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi.

Kooxda reer France ayaa horey ugu dhawaaqday saxiixa Thomas Tuchel si uu u noqdo macalinka maamuli doona kooxda laga bilaawo xili ciyaareedka cusub isla markaana uu u noqdo badalka Unai Emery.

Thomas Tuchel ayaa wuxuu qalinka ku duugay heshiis laba xili ciyaareed ee gaarsiisan ilaa iyo sanada 2020.

Tuchel ayaa shirka jaraa’id ee saxaafada wuxuu ku yiri: “Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo kooxda kalsoonidan ay I siiyeen, waxaan rajeynayaa inaan shaqo bilowdo, waxaan dareemay in qof walba uu halkan ila doonayay”.

“Waxaan halkan u joognaa si aan u guuleysano, waa xilli hore in aan ka hadlo, balse sida iska cad waa ujeedkeena, waxaan doonayaa inaan ciyaaro kubada weerarka, waxaan heysanaa ciyaartoy aad u weyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close