Ogoow saxiixa ugu horeeya ee Barcelona iyo faah faahinta heshiiskiisa

(Barcelona) 20 Maajo 2018 Intabadan saxaafada ciyaaraha ee dalka Spain ayaa isku raacay in Antoine Griezmann uu yahay saxiixa ugu horeeya ee Barcelona ay samaynayso suuqa xaggaagan.

Antoine Griezmann ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Barcelona dhamaadka bishii Janaayo ee sanadkaan, wuxuuna ku biirayaa kooxda tababare Valverde ka hor inta uusan bilaaban koobka adduunka.

Weerar yahanka reer France ayaa ku la heshiiyay Barcelona inuu u saxiixo 5-sano oo sanadkii uu mushaar ahaan u qaadanayo lacag dhan 15 milyan oo euro sida uu baahiyay wargayska Sport.

Madaxwaynaha Barcelona ee Bartomeu ayaa si shaqsi ah u dhameeyay saxiixa Antoine Griezmann maadaama uu aad ula dhacsan yahay qaab ciyaareedkiisa.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in dhinicii ka baxa heshiiskaan laga doonayo bixinta lacag mag dhaw ah oo la siinayo dhinaca kale.

Haddii Barcelona ay ka baxdo heshiiska lacag mag dhaw ah ayeey siinaysaa Antoine Griezmann, xiddiga reer France ayaana markaas u furan u dhaqaaqida Man United oo ah kooxda labaad ee uu beegsanayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close