Lionel Messi oo ka jawaab celiyay wararka ku aadanaa inuu xiriir la sameeyay Antoine Griezmann

(Barcelona) 20 Maajo 2018. Mucjisada kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa wuxuu xaqiijiyay inaysan waxba ka jirin, warka uu sheegay wargeyska “AS” ee dalka Spain ee ku aadanaa inuu xiriir la sameeyay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann, si uu kaga hadlo qaabka uu ku imaan karo Blugarana xili ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska kasoo baxa caasimada Madrid ayaa wuxuu sheegay in kadib finalkii UEFA Europa League, iyo hadaladii ay kasoo saareen maamulka kooxda Atletico Madrid uu ka walwalsan yahay Griezmann mustaqbalkiisa kooxda caasimada ka dhisan.

AS ayaa sheegay in Messi uu xiriir kala sameeyay Antoine Griezmann, si uu ugu war galiyo inuu kusoo dhaweenayo qolka labiska ee kooxda Barcelona, isla markaana uu xiiseenayo in xili ciyaareedka soo aadan ay iska garab ciyaaraan.

Laakiin 30 jirka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu si xoogan kaga carooday wararka joogtada ah ee la halmaala inuu si weyn ugu lug leeyahay heshiisyada Barcelona iyo arimaha maamulka kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close