Gianluca Vialli oo kasoo hor jeestay in Alvaro Morata uu dib ugu soo laabto kooxda Juventus

(Juventus) 20 Maajo 2018. Waxaa si xoogan ay saaxaafada u hadal heesay maalmihii lasoo dhaafay suurtagalnimada uu Alvaro Morata dib ugu laaban karo kooxda Juventus suuqa xagaaga ee soo aadan.

Iyadoo ay arintan taagan tahay ayuu weeraryahankii hore ee kooxda Juventus Gianluca Vialli u sheegay wargeyska Sky Sport: “si gaar ah uma xiiseenayo in Alvaro Morata uu markale dib ugu soo laabto kooxda Juventus”.

“Taasi ugama hadlayo sababa la xiriira tayadiisa, laakiin Juventus waa in ay raadisaa qorsho taa ka duwan, xaalada ma ahan mid sahlan, gaar ahaan xili haatan ay kooxda heysato xidigaha Paulo Dybala iyo Gonzalo Higuaín”.

Si kastaba Alvaro Morata ayaa soo xirtay maaliyada koooxda Juventus mudo dhan laba xili ciyaareed laga bilaawo 2014 ilaa iyo 2016, ka hor inta uusan ku laaban Real Madrid, isla markaana xagaagii hore Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close