Gabar Xalay si Xun u Bahdishay mid ka mid ah xiddigaha ugu Muhiimsan Juventus!!…(DAAWO wixii dhacay)

(Torino) 20 Maajo 2018. Juventus ayaa xalay loo caleemo saaray Horyaalka Serie A markii Todobaad oo xiriir ah iyadoo uu Goolhaye Buffon u saftay kulankiisii ugu dambeeyay balse mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan ayaa Bahdilaad kala kulmay gabar Qurux badan.

Mehdi Benatia ayaa waji gabax la kulmay mar uu fuulayay masraxa koobka lagu bixinayay si uu u soo qaato bilada dahabka.

Intii uu u sii socday ayuu gacanta u taagay gabar qurux badan oo sameysa xayaysiinta dharka oo taagneyd goobta balse way ka diiday inay salaanta ka qaado.

Intaa oo kaliya ma ahanee 31 jirka reer Morocca ayaa waxaa jabka ku sii badiyay gabar kale oo dhinac taagneyd midii salaanta ka diiday taa oo iyana gacan u taagin balse badelkeeda ku qososhay.

Bal DAAWO wixii qabsaday Mehdi Benatia:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close