Andrés Iniesta oo ku macsalaameeyay garoonka Cump Nou fariin qiiro leh

(Barcelona) 20 Maajo 2018. Xiddiga heerka caalami ee reer Spain, Andres Iniesta ahna kabtanka kooxda Barcelona, ayaa qaadanaya faraxada kulankiisii ugu dambeeyey ee garoonka Camp Nou.

Andres Iniesta ayaa kuso qoray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, kahor kulankiisa ugu dambeeyay uu caawa la qaadanayo kooxda Real Sociedad garoonka Cump Nou: “Kulankeygii ugu dambeeyay ee gurigeyga, waa dareen badan, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay waqtigan, had iyo jeer Barcelona”.

Andres Iniesta ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu danbeeyay ee maaliyada Barcelona, isagoo ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda reer Catalonia, ka dib markii uu 22 sanno jirsaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close