Xidig soo maray Tottenham oo yiri… “Jose Mourinho wuxuu hoos u dhigayaa tayada Marcus Rashford”

(Man Unite) 19 Maajo 2018. Xidigii hore kooxda Tottenham Jermaine Jenas ayaa ku dhaleeceeyay Jose Mourinho, sida uu ula dhaqmo da’ayarka Manchester United ee Marcus Rashford.

Macalinka reer Portugal ayaa dhawaan dhaleeceeyay Marcus Rashford qaab ciyaareedkiisa  kadib guuldaradii Manchester United kasoo gaadhay kooxda Brighton.

Jose ayaa kadib guudaradii Brighton u sheegay saxaafada: “Hadda waxaad haysataan jawaabta sababta uu marwalba Lukaku u ciyaaro”.

Laakiin Jermaine Jenas oo aan ku qanacsaneen sida uu uu jose ula dhaqmo Rashford. Ayaa sheegay: “Hadalkii uu Mourinho ku yiri Rashford waa wax laga xumaado kadib kulankii Brighton”

“marka aad la shaqeeneyso da’ayar sida Rashford oo kale, waxaa qalad ah in sidaas aad ula dhaqanto”.

“Hadalada Mourinho waxaad ka fahmi kartaa, inuu ka raaxeysto xili kasta uu guuldareysto Marcus Rashford, wuxuu fursad u helay inuu sheego in go’aan kasta uu ku saxnaa, lakiin taasi ma ahan qaab fiican oo lagu xaliyo dhibaatada da’ayarta”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close