Valverde oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Messi in uu ciyaarayo iyo in kale kulanka Real Sociedad

(Barcelona) 19 Maajo 2018. Ernesto Valverde ayaa ka hadlay go’aankiisa kaga aadan xidiga reer Argantina ee Lionel Mess inuu kusoo bilaawan doono kulanka Real Sociedad ee habeen dambe ka dhici doono garoonka Cump Nou.

Valverde ayaa u sheegay “Mundo Deportivo” ee gobolka Catalonia: “Messi waxa uu ciyaaray kulamo muhim ah xilli ciyaareedkan, xitaa isaga wuxuu dareemayaa xanuun, sidaas darteed waxaanu dooneynaa inuu nasto”

“Kulanka South Afrika wuxuu ciyaaray 15 daqiiqo, sababtoo ah Lionel Messi in badan ayuu ina soo caawiyay, waxaana u maleenayaa in kulanka Real Sociedad uu u baahan yahay nasiino”.

“Kulanka berri waa mid muhim u ah Andres Iniesta, waxaan wajihi doonaa koox qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana dooneynaa inaan Iniesta ku macsalaameyno sida ugu wanaagsan”.

Ernesto Valverde ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay wararka ku aadan Busquets: “Qof walba wuu ogyahay muhiimadda Sergio ee Barcelona, taasoo kooxda siineysa dheeli tirnaan, waxaana ku kalsoonahay inuu kooxda sii joogi doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close