“Sheekadaada la xiriirta Juventus marna ma dhamaan doonto” Del Piero oo fariin u diray Gianluigi Buffon

(Juventus) 19 Maajo 2018. Halyayga kooxda Juventus Alessandro Del Piero ayaa u diray saaxiibkiis hore ay isku dalka kasoo wada jeedaan Gianluigi Buffon fariin sagootin ah, kadib markii uu shaaciyay inuu kooxda ka tagayo kadib mudo dhan 17 sano uu kusoo sugnaa.

Gianluigi Buffon ayaa ciyaaray kulnkiisii ugu dambeeyay ee Juventus sabtidii laso dhaafay, kaasoo ay  2-1 ku dubteen kooxda Hellas Verona kulankii ugu dambeeyay ee xili ciyaareedkan horyaalka Serie A.

Del Piero oo Juventus ka dhaqaaqay dhowr sano kahor ayaa wuxuu  ayaa wuxuu kusoo qory bartiisa Instagram-ka: “Maanta waa xilligaaga, Gigi, maanta qof walba oo garoonka jooga wuxuu eegayaa indhahaaga, kuwaasoo aan ilmada ceshan Karin, marka aad gacan qaadeyso taageerayaasha marka ugu dambeesay”.

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan kula ciyaaro waqti kooban, aad iyo aad ayaad u fiicneyd, waxaan kaa tagay kadib marka aan ku kuwada guuleesanay hal horyaal, maantana waxaad macsalaamo dhaheysaa ka dib todobo jeer ee xiriir ah aad ku guuleysatay Serie A., waa sheeko waali ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close